Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynaha 2-aad ee Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), shirkan oo sannadkan xooga lagu saarayo sidii loo horumarin lahaa loona casriyeyn lahaa adeegyada ay helaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Aqoonsiga Qaranka iyo helitaanka adeegyada aasaasiga ahi ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada casriga ah, ayna si dhow ugu xiran yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Madaxweyne 2060-ka, oo ka mid ah yoolalka dalka loogu horseedayo xasillooni, amni iyo barwaaqo waarta.
“Waxaan ku faraxsanahay in shacabka Soomaaliyeed, oo intooda badan ay yihiin dhallinyaro, ay maanta si buuxda u fahmeen muhiimadda nidaamka dowlad-dhiska iyo kaalinta Aqoonsiga Qaranka ee horumarka dalka. Waxaan bogaadinayaa dhammaan dadka ka qayb qaadanaya horumarinta nidaamkan casriga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in dhammaan hay’adaha dowladda iyo kuwa gaar loo leeyahay ee bixiya adeegyada bulshada ay waajib ku tahay inay hubiyaan in qofka adeegga qaadanaya uu leeyahay Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo saxnaanta iyo sugnaanta xogaha muwaadiniinta.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa amaan u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada, isagoo sheegay in fahankooda nidaamka casriga ah uu caddeyn u yahay in bulshadu diyaar u tahay inay door muuqda ku yeesho dhismaha dowladnimada iyo horumarka dalka. Wuxuu sidoo kale mahadnaq u diray shaqaalaha iyo maamulka NIRA oo uu ku ammaanay shaqada muuqata ee ay qabteen muddo kooban.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali, oo isna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso in ka sokoow Kaarka Aqoonsiga Qaranka, la hirgeliyo nidaam dhammaystiran oo diiwaangelinta madaniga ah, kaas oo dabooli doona marxaladaha muhiimka u ah nolosha muwaadinka sida dhalashada, geerida, guurka iyo furriinka.



















