Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 1-aad ee Bahda Cadaaladda uga jawaabay hadallo dhawaan ka soo yeeray madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xasan Sheekh wuxuu qirtay in dalka ay ka jiraan baahi iyo saboolnimo, balse wuxuu ku adkeeyay in dowladda ay gaartay horumar muuqda, gaar ahaan amniga iyo adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Muqdisho maanta ka mid tahay caasimadaha amniga fiican leh, taasoo fursado horumarineed abuurtay. Wuxuu xusay in dowladdiisu kordhisay tirada ciidamada iyo macallimiinta, isla markaana inta badan dadka ku soo biiray yihiin dhalinyaro aan lagu soo xulin nidaamka 4.5-ka.
Isagoo si dadban uga jawaabaya dhaliilaha Farmaajo ee ku saabsan “xaalad cakiran”, Xasan Sheekh wuxuu siyaasiyiinta ku boorriyay inay dadka dhex galaan oo ay dalka xaaladdiisa dhab ahaan u arkaan, halkii ay warar aan xaqiiq ahayn ku faafin lahaayeen.
Dhankiisa, Farmaajo oo dhowaan Muqdisho ku laabtay, ayaa sheegay inuu arkay xaalad ka sii daran tii uu ogaa, gaar ahaan baahida, sicir-bararka iyo mushaaraadka oo aan kordhin. Wuxuu ku baaqay in la kordhiyo mushaharka ciidamada iyo in la dhimo canshuuraha cunnada dadku isticmaalaan.


















