In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay dalal ku yaalla Koonfurta iyo Koonfur-bari Aasiya, kadib markii duufaanno xooggan ay kordhiyeen roobabka, taasoo keentay daadad ballaaran.
Indonesia oo ay khasaaruhu ugu daranyihiin
Indonesia ayaa diiwaangelisay 502 dhimasho iyo in ka badan 500 oo maqan, halka ku dhowaad 300,000 qof ay barakaceen. Guryo kumannaan ah ayaa burburay ama daadku qaaday, iyadoo deegaanno badan ay ka jiraan xaalad adag oo adkeeyay gurmad gaarsiinta dadka tabaaleysan. Khubaradu waxay sheegayaan in kulaylka badaha uu kordhiyay suurtagalnimada duufaannada noocan ah.
Sri Lanka oo la kulantay masiibadii ugu darneyd 20 Sano
Sri Lanka waxaa ku dhintay 355 qof, waxaana saameeyay in ka badan 1.3 milyan oo qof, kadib markii duufaanta Ditwah iyo roobab culus ay keeneen daadad iyo dhul-gariirro. Dalka ayaa ku jira xaalad degdeg ah, waxaana qiyaastii 148,000 qof lagu dajiyay xarumo qaxooti.
Thailand oo tirada dhimashadu kor u sii socoto
Thailand waxay xaqiijisay 170 dhimasho. Dowladda ayaa ballanqaadday magdhow, inkastoo ay sii kordhayaan eedeymaha ku saabsan gaabiska gurmadka.
Vietnam iyo malaysia oo iyaguna saameyn soo gaartay
Vietnam waxa ay diiwaangelisay 3 dhimasho, iyadoo roobab joogto ah ay sababeen khasaare dhaqaale oo weyn. Malaysia waxay xaqiijisay 2 dhimasho, halka 18,700 qof ay weli ku jiraan xarumaha barakaca.
Dadaallada gurmadka oo socda
Dalalka gobolka ayaa adeegsanaya diyaarado, maraakiib, ciidamada militariga iyo booliiska si loo gaarsiiyo gargaar dadka go’doonsan, loona daadgureeyo qoysaska barakacay.
Cimilada adag oo noqotay caqabad
Dhibaatadaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhalatay isbeddelka cimilada, iyadoo khubaradu ka digayaan in isbeddelkaani horseedayo duufaanno iyo roobab culus oo horleh.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in khasaaraha dhabta ah la ogeyn doono toddobaadyada soo socda.



















