Duqeymaha uu Maraykanku ka fulinayo gudaha Soomaaliya ayaa sanadkan gaaray heer aan hore loo arag, iyagoo kor u kacay in ka badan toban jibbaar marka loo eego 2024-kii. Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyay in sanadkii hore la sameeyay 10 duqeyn, halka 2025 ay durba ka gudbeen 100 weerar.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa Talaadadii ka dhacay Puntland, halkaas oo duqeyn iyo dagaal afar saacadood socday lagu qaaday kooxda ISIS-Somalia. Wararka maxalliga ah ayaa sheegay in la dilay ugu yaraan 10 dagaalyahan iyo in hoggaamiye sare oo ISIS ah la dilay. AFRICOM waxay sheegtay in howlgalkaas lagu fuliyay iskaashi ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan jirin khasaaro soo gaaray ciidamada Mareykanka.
Inkasta oo ilo maxalli ahi sheegeen in askar Maraykan ah ka dageen diyaaradaha dagaalka intii hawlgalku socday, AFRICOM ayaa si cad u beenisay, iyagoo ku adkaystay inaan wax howlgal dhulka ah dhicin. Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inaan la shaacin doonin faahfaahin ku saabsan unugyada ama qalabka la isticmaalay sababo la xiriira amniga howlgalka.
AFRICOM waxay xustay in 101 weerar oo sanadkan la fuliyay, 59 ka mid ah si gaar ah loogu beegsaday ISIS-Somalia. Ujeeddadu waa in la wiiqo awoodda ISIS-Somalia iyo al-Shabaab ee khatarta ku ah Mareykanka, ciidamada uu leeyahay iyo muwaadiniintiisa dibadda.
Khubarada amniga ayaa tilmaamay in diiradda Mareykanku saarayo Puntland si looga hortago in ISIS jawi ammaan ah ka samaysato, gaar ahaan iyadoo la sheegayo inay soo jiidato dagaalyahanno ajaanib ah. Si kastaba, waxaa laga digay in xoogga la saaray ISIS uu uu horseedo in la illoobi ama la yareeyo hawgallada ka dhanka ah al-Shabaab.
AFRICOM ayaa hore u sheegtay inay sii wadi doonaan weerarrada, iyagoo ujeedadoodu tahay in la baabi’iyo kooxaha jihaadiga ah ee doonaya inay khatar ku noqdaan Mareykanka iyo xulafadiisa.



















