Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo taageero ka helaya ciidamada deegaanka, ayaa xalay howlgal qorshaysan ka sameeyay deegaanka Cali Heele oo 30 km galbeed kaga beegan degmada Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Howlgalka si sax ah loo bartilmaameedsaday ayaa lagu dilay horjooge sare oo Al-Shabaab ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed Sheekh Cumar Cadow Gacal, kaas oo maamulayey unugyo ka tirsan kooxda ee ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe. Horjoogahan ayaa lagu tilmaamay inuu kaalin weyn ku lahaa weerarrada lagu beegsado shacabka, isla markaana ahaa isku-duwaha dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyada iyo qaraxyada miinooyinka ee ka dhaca gobollada Shabeellaha Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ammaanay geesinimada ciidamada ka qeyb galay hawlgalkan, waxayna ku adkeeyeen in howlgalada ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonaan ilaa laga burburiyo dhammaan shabakadaha ka haray Al-Shabaab oo amniga dalka si buuxda loo xaqiijiyo.



















